Dabley hubeysan ayaa magaalada Muqdish ku dishay askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya, kadib weerar ka dhacay degmada Waaberi.
Laba dhalinyaro oo Bistoolado ku hubeysan ayaa xaafada Baar Ha-i-dhaafin ee degmada Waaberi toogasho ku dilay askariga oo la sheegay in xilliga la weerarray aanu wax hub ah sidan, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo uu u geeriyooday.
Waxaa goobta gaaray ciidamada amniga, iyagoo sameeyay baaritaan an lagu guuleysan in lasoo qabto raggii dilka geystay, waxaana la sii daayay dad loo qabqabtay dilkaasi oo caddeyn lagu waayey.
Wararka ayaa sheegaya in Meydka askariga la dilay ayaa la geeyay Xarunta Danbi baarista ee CID-da, iyadoo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo.