Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta go’aan kasoo saartay Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen oo ka tirsana Ciidamada Booliska oo lagu eedeeyay inuu dhac u geysan jiray dadka shacabka, waxayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida shaaciyey Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay dad rayid ah, isagoo wadadda u geli jiray waddada xilliyda danbe ee habeenkii Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho.
Waxay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriya 10kii Maarso ee sanadkan, xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi. Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.
Maanta ayaa gu daanbeyn xukunka lagu diray, iyadoo edeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ay Maxkamadda Ku xukuntay 8 sano oo Xabsi Ciidan ah. Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

