Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu helay inuu si bareer ah Tooreey ugu dilay qof shacab ah.
Dable Boolis. Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa lagu soo eedeeyay dembiga dil bareer oo u adeegsaday Midi (Tooreey) una geysatay Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi Cali 25-kii April, 2022, falkaas oo ka dhacay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
War kasoo baxay Hay’adaha Garsoorka ee Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Sababta dilka keentay ay aheyd In eedeesanha iyo marxuumka ay ku murmeen Janta Siigar bishii Ramadaan ee sanadkaan.
Taliska Qeybta Danbi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa ku wareejiyay eedaysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada, Baaris dheer ka dib waxa ay isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 22-kii September, 2022.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa la wadaagay Maxkamadda Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan, Warqada cadeynta Dhimashada Marxuumka iyo Mididii uu ku geestay dilka.
08-dii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday Markale fadhiga Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye. Qareenka u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.
Kadib fadhiyo kala duwan oo Maxkamadda Ciidamada ay ka gashay xukunkan ayey Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim ku xukuntay Dil-toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
