Askari ka tirsan ciidamada Taraafikadda wadooyinka ayaa fal toogasho ah ku dilay darawal gaari yar agagaarka isgoyska Geed Jaceyl ee magaalada Muqdisho.
Darawalka oo dhaawacii kasoo gaaray u geeriyooday ayaa arrintan waxay dhalisay bannaanbax ay dadweyne careysan ka dhigeen goobta uu shilka ka dhacay iyadoo xiray wadadda isla markaana dhagax tuur iyo qalalaase weyn uu ka dhashay wadaddaas muhiimka ah.
Askariga falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo xaaladda dhex galay, inkastoo dadweynaha careysan ay diideen inay ka tagaan goobta.
Ciidamada dowladda ayaa falalka noocaan oo kale ah kula kaca dadka shacabka ah iyo darawallada baabuurta magaalada Muqdisho.