Askarigii sida foosha xun u dilay xaaskiisa magaalada Kismaayo ayaa isu dhiibay ciidamada maamulka Jubbaland iyadoo la sheegay in baaritaanka kiiskan uu bilowday oo maxkamad la soo taagayo.
Saraakiisha ammaanka Kismaayo waxa ay sheegeen in cadaaladda la horgeyn doono askariga dilka gaystay. Ninkan ayaa lagu magacaabaa Cabdullahi Asad Ismaaciil, wuxuuna dilay xaaskiisa oo lagu magacaabo Muxibo Maxamed Guurre 14-kii bishan, sida ay xaqiijiyeen ehelada Marxuumada dilka loo gaystay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland Maxamed Naasir Guuled, ayaa sheegay in kiiskan ay baaritaankiisa wadaan, iyado gacan-ku-dhiiglaha uu isku soo dhiibay ciidamada, wuxuuna ku xiranyahay Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo..
“NinkaDilay Xaaskiisa waa la hayaa, wuxuuna isku soo dhiibay ciidanka Booliska Jubbaland, waxaa ku socda baaritaan la xiriira xaaladdiisa iyo qaabka uu dilka u dhacay, xilliga uu baaritaanka uu soo gaba-gaboobo sharciga waxaa uu ka qabo ayaa loo soo bandhigayaa.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland.