Naafada ciidamadii hore ee milateriga ayaa bannaanbax isugu tegay albaabka laga galo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo ka cabanaya daryeel xumo iyo ballanqaadkii Madaxweynaha oo la fulin waayey.
Ciidamadan oo ku dhaawacmay dagaallo kala duwan ayaa degan isbitaalka Martiini , waxayna sheegeen inay ka cabanayaan Mushaar la’aan iyo Daryeel xumo muddo ka badan 4 Bilood oo waayeen xaquuqdii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya, iyagoo xiray albaabka Madaxtooyada.
Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ayaa isku dayey inay ka fogeeyaan wadadda. balse waxay u badan yihiin naafo, iyagoo ku adkeysanaya inaysan ka tegeynin halkaasi, iyagoo qaarkood ay waddada fariisteen.
Dhowaan ayey ahayd markii agoonta Booliska aya halkaasi bannaanbax u tageen markii ay waayeen xuquuq loo qoray sidan oo kale.
DAAWO SAWIRRADA




