Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Awoodda Milateri ee Turkiga & kaalinta uu Dunida uga jiro (Akhriso Warbixin)

    Awoodda Milateri ee Turkiga & kaalinta uu Dunida uga jiro (Akhriso Warbixin)

    June 9, 2020Updated:June 12, 20204 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Turkiga ayaa ka mid noqday dalalka ugu waaweyn dunida ee saameynta yeeshay sanadihii dambe, markii ay ciidamadiisa galen dalka Syria, kadibna ay guul kasoo hoyeen dalka Libya, siiba diyaarahooda is wada ee Drone-ka oo jebiyey Jeneraalkii Liibiyaanka Khalifa Haftar oo ay taageerayeen Ruushka, France, Imaaraadka, Masar, Sacuudiga iyo dalal kale.

    Turkiga wuxuu ka mid yahay dalalka Gaashaanbuurta NATO, wuxuu saldhig weyn ku leeyahay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, isagoo ciidamo kale geeyay dalka Qatar. Wargeyska the Global Fire power oo wax ka qora arrimaha milateriga caalamka ayaa ku qiimeeyay Turkiga in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

    Turkey Military Power - How Powerful is Turkish? 2019 - YouTube

    Ciidanka Turkiga ayaa kaalinta sagaalaad ka galay qiimeyn lagu sameeyay awoodda milateri ee dalalka caalamka oo gaaraya 137 wadan, waxaana sandkiiba la sheegay in ciidanka Turkiga ay ku baxdo lacag dhan 8 bilyan oo doolar.

    Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dambe xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruushka, iyadoo saameynteeda ku balaarisay dalalka Qatar, Liibiya iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhigga ugu weyn ee ku yaala meel ka baxsan Turkiga.

    Dalka Turkiga ayaa sida uu qoray GFP waxaa uu ka awood badan yahay dalal ay kamid yihiin Jarmalka, Talyaaniga, Masar, Iran, Israel, Pakistan, Australia, Canada iyo Sacuudiga, waxaana uu awood ahaan ku xigaa dalka Ingiriiska.

    Awoodda ciidanka cirka ee Turkiga

    .
    Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

    Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 80 milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari.

    Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa lagu qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo askari.

    Turkiga ayuu GFP sheegay in ay ka mid yihiin 10-ka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan.

    Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207.

    How Powerful is Turkey? Turkish Military Power 2019 - YouTube

    Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood.

    Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado.

    Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay.

    Awoodda ciidanka dhulka ee Turkiga

    .
    Gantaalada s-400 ee Ruushka

    Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka. Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur.

    Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 1,120, 350 oo ah hubka ay Soomaalidu u taqaano BM-ka iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah, kuwaas oo iskood u dagaal geli kara, tiradoodudana ay gaareyso 1,272.

    Awoodda ciidanka badda ee Turkiga

    .
    Ciidanka badda ee Turkiga

    Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda.

    Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda.

    WEAPONS EXPORTS: Turkish Military Power, Made by Germany?

    Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka.

    Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog.

    .

    Global Fire Power ayaa sidoo kale soo bandhigay 10-ka da ee milateri ahaan caalamka ugu awoodda badan, waxayna kala yihiin:

    1. Mareykanka

    2. Ruushka

    3. Shiinaha

    4. Hindiya

    5. Faransiiska

    6. Japan

    7. Kuuriyada Koonfureed

    8. Britain

    9. Turkiga

    10. Jarmalka

    Turkiga Oo Ka Mid Noqday Tobanka Wadan Ee Caalamka Ugu Awooda ...
    Erdogan Turkey Turkey Military
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleK/Galbeed oo beenisay Qorshe lagu eedeeyay inay u fulisay Madaxtooyada Somalia
    Next Article XOG: Xaalad kusoo korortay Guddoonka Labada Aqal ee Barlamaanka & kulamo kala gaara..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo