Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Dhaqaalaha»Ganacsiga»Axmed Cismaan Geelle: Ganacsade reer Somaliland ah oo ay isku heystaan Jabuuti & France [Akhriso]

    Axmed Cismaan Geelle: Ganacsade reer Somaliland ah oo ay isku heystaan Jabuuti & France [Akhriso]

    April 5, 2019Updated:April 5, 20195 Mins Read Ganacsiga
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxa sii xoogeysatay dooda ka taagan ganacsade kasoo jeeda Somaliland oo ay arrintiisa isku heysaan dowladaha Jabuuti iyo Faransiiska, ayna ku soo biiray maamulka Somaliland.

    Ganacsadaha caank ah ee Axmed Cismaan Geelle ayaa dacwad looga heystaa dalka Jabuuti oo uu muddo deganaa, waxaana dacwada ay salka ku heysaa lacag deyn ah o oo uu ka qaatay Banki Faransiis ah, iyadoo xaaladiisa ay gaartay meel adag oo qarka u saaran in loo gacan geliyo Faransiiska ayaa waxa shalay war-saxaafadeed aad u sheer ka soo saaray Madaxtooyada Somaliland oo faahfaahin ka bixisay xaaladiisa.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA


    Waxa jirta deyn Shirkadda GSK, ee uu mulkiilaha ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED, kaas oo farac u ah Baanka Caalamiga ah ee BPCE. Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Dalka Somaliland.

    Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho Jabuuti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland.

    12-kii bishii March, 2018, waxa dalka yimid Agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED, oo ah baanka iska leh faraca baan ee BCI Mer Rouge iyo Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku leeyahay dalka Jabuuti Mr. Nadhir Zouaghi. Labada Mas’uul ee ka socda Baanankaa Faransiiska ahi waxay sheegeen in ay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan oo doolar ku leeyihiin Shirkadda GSK iyo Mulkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u saaray arrintaas guddi ka kooban Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahin iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan. Baankaa Faransiisku waxa uu codsaday in lacagta deynta ah Shirkadda GSK u bixiso sida uu dhigayo heshiiskii deynta oo ah in hafto lagu bixiyo.

    Mulkiilaha Shirkadda GSK Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qirtay deynta Baanka Faransiiska ahi u sheegtay, balse waxa uu ku dooday in lacagtiisa iyo hantidiisa qayb ka mid ahi kaga xayiran tahay Dalka Jabuuti oo aanu khilaaf soo kala dhex-galay Dawladda Jabuuti darteed u tagi karin. Sidaa daraadeedna, waxa uu ka gows-qabsaday in uu aqbalo in uu lacagta deynta ah u bixiyo si hafto ah, sida uu heshiisku ahaa, baanka faransiiskuna uu dalbaday.
    15-kii bishii February, 2018, waxa dalka yimi Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Ambassador Antoine Sivan, oo sita go’aannada Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ee la xidhiidha arrinta daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheegaynayo Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle. Waxa kale oo uu sheegay in ay dacwac ka dhan ah Shirkadda GSK u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL.
    Xukuumadda Somaliland waxa ay ku dooday in ay fulin karto oo kaliya garta lagu qaado Maxkamadaha Somaliland, maadaama Ganacsade Axmed Cismaan Geelle hadda yahay muwaadin reer Somaliland ah, go’aammada maxkamaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ka soo baxayna ay iyaga u gaar yihiin. Balse Safiirka Faransiisku waxa uu ku dooday in Axmed Cismaan Geelle yahay muwaadin reer Jabuuti ah, daynta baanka Faransiiska ahna uu qaatay isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah.

    Dood dheer kadib, waxa la isla qaatay in dacwadda daynta lagu qaado maxkamadaha Somaliland, iyada oo haba-yaraatee wax tixgelin ah la siinin go’aamadda ka soo baxay Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti midna. Waxa in badan lagula taliyey Ganacsade Axmed Cismaan Geelle in lacagta daynta ah iska bixiyo mar hadduu qiraal yahay. Balse ganacsaduhu arrintaa wuu ka cajiiday.

    Sidaas darteed, Baankii Faransiiska ahaa wuxuu qabsaday Looyar reer Somaliland ah, kaas oo uu bilaabay in uu soo diyaarsado qoraallada iyo waraaqaha la xidhiidhaha dacwadda daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheeganayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Sida curfiga Caalamiga ahi dhigayo, waxa dhammaan waraaqaha Looyarku keenay ee ka soo baxay Dawladaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti uu soo mariyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland si loo hubiyo in waraaqahani si rasmi ah uga soo baxeen dawladaha iyo hay’adaha dawliga ah ee ay magacooda sitaan. Waana hab Caalami ah oo loo xaqiijiyo qoraallada iyo waraaqaha iskaga gudbaya Dawladaha.
    Nasiib-daro, Mulkiilaha Shirkadda GSK ee daynta loo sheeganayo, Axmed Cismaan Geelle, waxa uu qaaday tallaabooyinkan:

    1. Waxa uu si sharciga baal-marsan uga soo qaatay qoraallada iyo waraaqaha arrinta dacwadda daynta lagu sheeganayo khuseeya Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasaaradda Caddaalada. Talaabadaas oo ah gef sharci.

    2. Qoraalladaa iyo waraaqahaa waxa uu u gudbiyey, kuna abaabulay si beelaysan madax-dhaqameedyo war-moog ah.

    3. Wuxuu ka been sheegay qoraallada iyo waraaqaha uu ka soo qaatay labada Wasaaradood ee kor ku xusan ee ku saabsanaa dacwadda daynta lagu sheeganayo ee ku socday Maxkamadaha Somaliland, waxaanu ugu sheegay odayaasha dhaqanka in waraaqahaasi yihiin Waaran lagu qabanayo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

    Arrintaasi waxa ay abuurtay bulaan iyo caadifad beelaysan. Waxaanu u Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle ka doortay in uu sharciga ka talaabsado, beelo abaabulo, dalkana nabad-gelyadiisa isku dayo in uu khal-khal galiyo, Somaliland-na indhaha Caalamka ku soo jeediyo, una ekaato meel lagula soo gabado hantida iyo lacagaha laga soo dhaco Baananka adduunka.

    Ganacsade Axmed Cismaan Geelle waa og-yahay, waanu qirtay in hantida iyo daynta loo sheeganayo lagu leeyahay, Booliska Adduunka ee INTERPOL -na raadinayo. 
    Haddaba waxanu u caddaynaynaa dadweynaha Somaliland in dawladdu u dadaashay Shirkadda GSK iyo Mulkiilaheeda Axmed Cismaan Geelle in ay ilaaliso xaquuqdiisa iyo hantidiisa, sida muwaadiniinta kaleba loo ilaaliyo hantidooda iyo xuquuqdooda, waana waajib dawli ah.

    Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah, waxaanay iska ilaalinayaan wax kasta oo u ekaysiinaya dalka Somaliland meel aanay ka jirin shuruuc iyo kala dambayn, lagulana soo dhuunto hantida iyo xoolaha umadaha kale ee adduunka laga soo dhaco.

    Allaa Mahad Leh

    Djibouti France Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBooliska oo faahfaahiyey Qarixii Muqdisho [Warbaahinta oo laga joojiyey goobaha Qaraxyada xilliga..]
    Next Article Ciidamada Danab & kuwa Jubaland oo gaaray degmada Jamaame & tuulooyin ay qabsadeen.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo