Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ayaa si weyn uga hor yimid go’aankii Golaha wasiirada ee lagu xadidday ilaalada iyo hubka ay magaalada ku wadan karaan madaxda dowladda.
Isgoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Wadajir ayuu ka sheegay inay dowladda cusub degdeg badan ka muuqato, lagana rabo inay ka fiirsadaan go’aanada qaar ee la xiriira sugida amniga.
Axmed Daaci oo hore dowladii Xasan Sheekh ay dagaal ula gashay, lagana qaaday hub fara badan markii gurigiisa ay ku weerareen ciidamo isugu AMISOM iyo kuwo dowladda ayaa caddeeyay in go’anka hubka ilaalada madaxda lagu soo rogay uu yahay mid halis u gelinaya weerrrada Alshabaab.
Go’aanka ah inuu mas’uul kasta qaadan karin wax ka badan 4 qori oo AK ah ayuu ku sheegay mid Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda loogu sahlayo iney bartilmaameedsadaan Masuuliyiinta dowladda, wuxuuna soo jeediyay inta aan hubka la qaadn ka hor hubka dhigis lagu sameeyao Al-Shabaab.
Wuxuu kaloo amarkan ku sheegay mid u gaara magaalada Muqdisho oo aan saameyn ku lahayn gobollada kale, taasina ay xadgudub ku tahay dadka Muqdisho.0
Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa dhinaca kale kasoo muuqday shalay munaasabad ay joogeen madaxda maamulka Gobolka Banaadir isagoo halkaasi la yimid hub faraha badan.
Wadani.com