Wasiirka Amniga Galmudug ayaa ka hadlay shirka Dhuusamareeb 3 ee maamulka Galmudug marti geliyey iyo xaaladaha cusub ee kusoo kordhay, isagoo sheegay inay Galmudug xaq u leedahay mowqifyo ay qaadato.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxda Galmudug ay dadaal xooggan iyo xiriiro joogto ah ku bixinayaan sidii shirka lagu gorfaynayo arrimaha siyaasadda dalka looga soo wada qeybgali lahaa.
“Dawladda Galmudug marka laga reebo mawaaqifteeda ka maamul ahaan oo ay xaq u leedahay, waxay u dhexaysaa madaxda ku ballantay Shirka Dhusamareeb 3 mana jirto dhinac ay u janjeerto iyo dhinac ay ka xaglinayso…” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo warkiisa soo baxay xilli si weyn loo naqdiyey shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ku shaaciyey inuu furmay shirkii Dhuusamareeb 3.

“Galmudug gogosha taalla waa mid Soomaaliyeed, kuna soo aaday waqti xasaasi ah oo kalsooni xumo badani ay jirto, balse marxalada dalku marayo iyo waqtiga la joogaba waxay waajibinayaan in isu tanaasul, wadatashi iyo wada-oggol looga gudbo lana wada yimaado Shirka Dhusamareeb 3..” ayuu qoralkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Amniga Galmudug.