Xildhibaan iyo wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyey kaalintii uu Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka qaatay doorashada iyo hubanti la’aantii dalkla ka jirtay.
“Raysul wasaare Rooble wuxuu maantay qabtay shirkii u danbeeyey ee golihiisa wasiirada. Shaqo wacan ayuu qaranka u qabtay oo la mahdiyey wuxuuna dalka ka saaray xaalad hubanti la’aan ah, wuxuuna dalka gaarsiiyey meel ammaan ah. Waana ku mahadsan yahay” ayuu qoraalkii ku yiri Axmed Fiqi.
Wuxuu dhinaca kale ka difaacay Ra’iisal wasaaraha eedeyn uga timid Prof. C/wahaab – oo Somali-Kenyan ah, kama mida taageersyaasha Farmaajo oo sheegay in afduub loogu geystay magaalada Nairobi uu ka danbeeyay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan arkayaa shakhsiyaad raba in ay wasaqeeyaan magaciisa iyo maamuuska uu ku dhex leeyahay umadda, ayagoo wax aan jirin ku nabaya kuwaas oo aad moodid in gacmo kale ay ku dhex jiraan ama laga soo dhex hadlayo afafkooda”.
Axmed Fiqi ayaa is weydiiyey su’aalo ku sabasan eedeynta loo jeedinayo Rooble iyo kiiska, isagoo yiri; “Sidee Nin Weyn oo aqoon sheeganaya ugu eedeynayaa RW Rooble in uu Nairobi afduub ka geystay? Nairobi dawlad leh hey’adaheeda garsoor iyo amni kama jirto miyaa? aqoonta intaas tusin weysay maxay tahay faa’idada laga sugayo qofkeeda? Waxaa haboon in waxyaalaha qaarkood laga xishoodo, dadkana wacyigoodu waa joogaaye aan caqliyadooda lagu cayaarin!”.
