Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Axmed Fiqi oo shaaciyay ujeedka Dagaalka uu Galmudug ka abaabulayo Axmed Qoorqoor

    Axmed Fiqi oo shaaciyay ujeedka Dagaalka uu Galmudug ka abaabulayo Axmed Qoorqoor

    October 10, 2021Updated:October 10, 20213 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirkii is-casilay ee Amniga Galmudug ayaa faafhaahin ka bixiyey xaaladda cakiran Galmudug iyo sababihii keenay inuu xilka iska casilo.

    Shir jaraa’id oo uu Galabta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inay maamulka Galmudug u tageen gurmad , kadib markii ay ka dhacday doorasho awood la isu adeegsaday iyo khilaaf baahsan, haddana uu isu casilay abaabulka colaadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

    Wuxuu sheegay inay Madaxweyne Qoorqoor kula ballameen inay Galmudug nooqn maamul fadhiid ah oo mar kasta daba taagan Villa Somalia, laakiin arrintaasi ay ka fuli weysay dhinaca Madaxweynaha. Wuxuuna ku dooday inay waxqabad muuqda gaareen oo ay ka mid tahay dagaalka Alshabaab.

    Wuxuu ku eedeeyay Axmed Qoorqoor inuu dagaalka Alshabaab ku fiirsaday dadka Galmudug, siiba Ahlu suna. “Waxaan isku dayey inaan ku qanciyo inuu ka baaqsado dagaal uu ku qaado Ahlu Suna, laakiin wuxuu ku adkeysay inuu la dirirro, wuxuuna sheegay inay uga darran yihiin Alshabaab, kadibna isagoo ila tashan ayuu ku daabulay Dhuusamareeb ciidamo gorgor iyo Haramcad isugu jira, Waxaa Dhuusamareeb u tegay inuu weerar ku qaado Ahlu Suna Farxaan Qaroole..” ayuu yiri Axmed Fiqi.

    Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu la hadlay hoggaamiyaha Ahu suna Macalin Maxamuud, isaguna uu furaha u dhiibay si uu wadahadalka u wado, una sheegay in dad u direen Madaxweyne Qoorqoor, uuna ku gacan seyray. Wuxuu intaas ku daray inuu isagu ballanqaaday inuu tago Guriceel oo war ka keeno, laakiin arrintasi uu ku gacan seyray Qoorqoor.

    “Waxaa shaki weyn nagu abuuray in Guriceel la weerarro iyadoo ay Alshabaab Dhuusamareeeb u jirto 20 KM.. waxaan fahmi weynay in madaxweynihii Galmudug uu dhiig daadinteeda ka shaqeeyo. Mashruuc Doorasho ayaa galay Guriceel” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

    Wuxuu sheegay in dagaalka xilligan ee lagu soo aadiyey Doorashooyinka uu yahay mid lagu doonayo inay colaad iyo dagaal Galmudug lagu abuuro, sidaasina doorashadii lagu qaban waayo oo muddo kororsi cusub oo hore u fashilmay loogu shaqeynayo Farmaajo.

    “Taliye Odawaa markii Al-Shabab aan la dagaalameynay ciidamo ma idin hayo ayuu dhahay, hadeerna Ciidamo ayuu ku daabulayaa Dhuusamareeb, si Ahlu sunna ay ula dagaalaan’’. ayuu yiri Axmed Fiqi oo ugu baaqay taliyaha ciidamada Booliska G/banaadir Farxaan Qaroole inuusan eed cusub ka gelin dadka Galmudug.

    Wuxuu kalooo Madaxweyne Qoorqoor kula taliyey inuusan dagaal iyo barakac u horseedin dadkiisa oo xilka iska casilo oo Muqdisho isaga soo laabto, haddii kale Baarlamaanka Galmudug ayuu ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan Qoorqoor haddii uu kusii socdo qorsihiisa dagaal.

    Dadka Guriceel ayuu ugu baaqay inay difaacdaan Sheekhooda (Sheekh Axmed Shaakir), isagoo u sheegay in waxa loo socdo aysan ahayn Ahlu Suna ee ay tahay qorshe Doorasho.

    May be an image of 1 person, standing and indoor
    Ahlu suna Axmed Fiqi Galmudug Qoorqoor Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo magacaabis cusub iyo xil qaadis sameeyay (Akhriso)
    Next Article Mahad Salaad oo jawaab Cajiib ah u diray Axmed Fiqi. “Durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo