Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay howlgal ay ciidamada milateriga ee Gorgor ay dowladda ay gacanta u dhigeen Qorigii weynee ee Galmudug lagu dibaateyn jiray.
Isagoo ka hadlayay goob lagu soo bandhigay Qori Hoobiye ah oo la sheegay in lagu duqeyn jiray magaalada Dhuusamareeb iyo agagaarkeeda, isla markaana maleesjiyadii la socotay ay qaarna noqdeen wax la dilay, dhaawac iyo kuwo firxaday, wuxuuna sheegay in laga qabtay mid dhaawac ah.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ninka dhaawaca lagu qabtay ee maleeshiyada ah uu kasoo jeedo Galmudug, markii la wareystayna uu sheegay inay tabartooda aad ayey u yar tahay , sida uu yiri ninka hoggaaminayey maleeshiyadana uu isna yahay qof kasoo jeeda Galmudug.
Ninka dhaawaca lagu qabtay ee Alshabaab ayaa ahaa horjoogihii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab , waxaana lagu magacaabaa Xassan Cabdinuur Daad “Careys”.



