Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Machadka Heritage oo galabta ka furmay magaalada Garowe.
Axmed Madoobe ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda dalka, khilaafka Doorashada, xaalada Amniga iyo xiriiirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu sameeyo tanaansul kasta oo dowladnimada loo sameynayo.
Wuxuu faahfaahin ka bixiyey sidii uu ku dhacay shirkii Muqdisho ee heshiiska doorashada iyo sidii Arrinta Gedo looga dooday, iyadoo markii danbe looga baxay in xal loo helo arrinta Gedo, kadibna lagu edeeyay isaga.
“Madaxweynaha Farmaajo waa musharax, Doorasho ayuu ku jiraa 16-ka Kursi ee Garbahaarey hadduu qaadanayo, maan doorashada faraha badan iska deyno iyo sanaadiiqda la dhigayo iyo Axsaabta.. iyo niman indhaha cadcad leh ee leh musharixiin baan nahay oo xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed intaan qorano hal xisbi oo XHKS ah oo 1986-dii u noqono oon sanduuqii Jaallaha ahaa ee aan daloolin iyo kii Buluugga ahaa maan Madaxweynaha ugu barakeyno..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada kale inay min gal magaalo doorasho ka tagaan oo madaxweyne Farmaajo la siiyo.. aniguana aan Gedo ka tago oo Madaxweynaha siiyo, inta kalena la qeybsado.
HOOS KA DAAWO