Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay in heshiiskii kas oo baxay shirkii Muqdisho uu ahaa mid lagu khasbay oo dusha looga keenay.
Shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay Kismaayo ayuu si cad uga sheegay in shirkii madaxda Soomaalida ay ku yeesheen Muqdisho go’aanada ka soo baxay uu ahaa mid la isku qasbay. Wuxuu beesha caalamka ku eedeeyay inay ku qasabtay madaxda maamul goballeedyada inay taageeraan go’aanada ka soo baxay oo ay wadatay dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay fekerkiisii ahaa in Jubaland ay shirka la tagtay in Aqalka hoose lagu soo xulo qaab degmo, halka aqalka sarena lagu soo doorto qaab gobal, balse aysan midna la qaadan.
Axmed Madoobe ayaa ka mida madaxda dowlad Goboleedyada ee sid cad uga hadla xaaladaha taagan, waxaana muuqata inuu shaaciyay arrin ay madaxda kale ka gaabsadeen inay si toos ah uga hadlaan.
Wadani.com