Madaxweyneyaasha Maamulada Jubba iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si weyn cambaareeyay gudodomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya socdaalka uu maanta ku tegay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo sheegay inay tallaabadaasi tahay mid wiiqeysa dadaalkii nabadeed ee laga dhex waday Ahlu suna iyo Galmudug.
Shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen magaalada Cadaado ayaa labada madaxweyne si weyn uga hor yimadeen tallaabada uu ku dhaqaaqay Jawaari ee uu iskiis ugu tegay Dhuusmareb. Tasoo ay ku sheegeen inay tahay mas’uuliyad darro.
Wafdiga Dowladda Soomaaliya ka tirsan ee uu hor kacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku dooday inay y halkaa u tageen sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Maamulka Ahlusunna iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo kaashanaya Itoobiya ayaa dadaaal ugu jiray sidii labada dhinac ee Galmudug iyo Ahl suna loo wadahadalsiin lahaa, iyadoo magaalada Dhuusmareeb laga waday shir dib u heshiisiineed, taasoo hadda ay dhexda uga dhaceen koox xildhibaano ah oo markii horeba Ahlu suna la safneyd iyo guddoomiye Jawaari.
Axmed Madoobe iyo C/kariin Guuleed ayaa wararku sheegayaan inay si weyn uga caroodeen tallaabada Jawaari, waxayna ku hanjabeen inay tegi doonaan degmada Ceel Bare ee maamulka Bakoolsare laga dhisay.
Wadani.com