Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyay shirka Gudiga Amniga Qaranka ee ka furmey magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in la fuliyo heshiisyadii hore loo gaaray.
Axmed Madoobe ayaa sheegey in ay waajib tahay in la fuliyo dhamaan heshiisyadii hore ee shirarkii hore ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyadu isugu imaadeen ee aysan noqonin in maalinkasta aan la xar-xariiqin waraaqo cusub oo waxa ku qoran aan la fulineynin.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegey inaysan Dowladda federaalku u arag Dowlad goboleedyada xisbi siyaasadeed oo la tartamaya maadaama Dowlad goboleedyadu waxay ku doodayaan ay tahay inayn helaan xuquuqdanadii Dastuuriga ahayd ee dastuurku uu siiyey.
Amniga ayuu sheegey inay tahay waajib na wada saaran sidii looga xoreyn lahaa nadadiidka gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Madaxweynaha Axmed Madoobe oo ka mida madaxweynayaasha maamaullada ee ku kacsan dowladd Federaalka ayaa ku baaqay in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta siyasadeed ee ka dhaxeysa Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyad taas oo dhabaha u xaari karta in horay loo socdo.