Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa mglabta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Axmed Madoobe waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiiro iyo xildhibaanno katirsan labada gole ee Dowladda oo uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu yahay shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo amaanka Soomaaliya.
“Maanta Cadowga kaliyah ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamo” ayuu yiri Madaxweynahu.