Madaxweynaha Jubaland xmed Maxamed Islaam oo degdeg ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib geeridii guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo u dhintay qarax is-miidaamin ah ayaa amar kasoo saaray falkan.
Kadib kulan uu maanta la yeeshay Sarakiisha Hay’adaha Amniga ayuu Axmed Madoobe faray inay baaritaan ku sameeyaan Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay Argagixisadu ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska maamulkiisa faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada, wuxuuna Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.



