Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qaaday tallaabo kale oo wadaniyad iyo geesinimo muujineysa kadib markii uu amar ku bixiyay intii ay socotay xafladii furitaanka shirka Madasha Qaran in hoolka shirka laga saaro dhammaan calamada maamulada dalka iyo dalalka kale.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in kaliya calanka Soomaaliyeed uu shirka ka muuqanayo maadaama laga hadlayo qaranimada dalka, waxaana arrintaasi oo sacab fara badan u dhacay durba laga qaaday shirka dhexdiisa wixii calamo ahaa ee maamulada dalka loo dhigay.
Axmed Madoobe ayaa shir waliba oo Soomaaliyeed ku guuleysta inuu arrin taariikhi ah ka dhex muujiyo, waxaana shirkii hore ee Madasha oo ka dhacay  Muqdisho lagu xusuustaa inuu codsaday in Af Soomaali lagu hadlo.
Wadani.com