Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka magaalada Gaalkacyo ka socda.
Wuxuu sheegay in dagaalku yahay mid nasiib darro ah oo laga xumaado, isla markaana keenay qasaare dhimasho iyo dhaawac, oo dad badan ay ku waxyeeloobaan.
“Waxaan ka Xumahay in Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka ay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland,waxaa wax laga Xumaado ah in lagu dul dagaalamo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Axmed Madoobe oo farriin toos ah u diray madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.
Axmed Madoobe oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha ka shaqeeyay heshiiskii Gaalkacyo ee Disembar sanadkii hore ayaa labada madaxweyne farriin u diray kuna booriyay inay dagaalka joojiyaan oo mas’uuliyadooda qaataan.
Wadani.com