Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shaaciyay in shirka kismaayo ka furmaya aanu ahayn shir dhibaato iyo shirqool ah.
Axmed Madoobe ayaa farriin uu u diray dowladda Feraalka ku sheegay in Shirku yahay gogol Nabadeed oo Natiijadda kasoo bixi doonta laga arki doono mid dan ugu jirto umadda Soomaaliyeed.
“Soomaalida iyo dowladda Federaalka iyo dadka dibadda jooga iyo cid kasta oo daneyneysa xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya waxaan u sheegayaan in shirka aanu yahay mid wanaag lagu raadinayo oo xumaan aanay ku jirin…” ayuu yiri Axmed Madoobe.

DHAGEYSO AXMED MADOOBE