Madaxweynaha Jubbaland ee dowladda Soomaaliya aanay aqoonsaneyn Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka beeleed ee dadka badan ku dhinteen, kaasoo muddo bilo ah ka socday Galbeedka magaalada Kismaayo.
Qoraal kasoo baxay Axmed Madoobe ayuu tacsi iyo digniin ugu diray dagaalka beeleed ee degaanno hoos yimaada degmada Kismaayo. “Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay ka war heysaa jiritaanka gacmo kale oo dagaalka sii hurinaya, kuwas oo dano gurracan u adeegsanaya dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Madoobe.
Wuxuu Axmed Madoobe ciidamadiisa ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabtaan, sharcigana hor keenaan cid kasta oo dagaalka ku lug leh.
Xildhibaano iyo odayaal ayaa hore ugu eedeeyay Axmed Madoobe inuu qeyb ka yahay dagaalka oo uu hub iyo ciidan ku taageerayo Beesha Majeerteen oo dagaal dhul kula jirta Beesha kale ee Cowrmale.