Khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamuka Jubbaland ayaa gaaray shirka arrimaha Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belguim.
Wafdiga Axmed Madoobe ayaan ka qeybgelin munaasabadii furitaanka shirka Brussels, iyagoo dood ka keenay ajendaha shirka oo ay sheegeen in wax laga bedelay daqiiqadihii ugu danbeeyay, dalbadayna in dib loo saxo.
Wafdiga Axmed Madoobe ayaa dib ugu biiray shirka kadib is-jiid jiid badan markii ay sheegeen in waanwaan ay arrinta ka galeen saraakiisha Midowga Yurub, waxayna sheegeen in cudurdaar la siiyey, dibna loo saxay ajendihii shirka.
Dooda ku kooban Axmed Madoobe iyo muranka ay geliyeen furitaanka shirka Brussels ayaa qeyb ka ah dadaalka uu maamulka Jubba ugu jiro inuu isu muujiyo maamul ahaan, isla markaana dhibco siyaasadeed ka helo beesha caalamka.
Mar haddii Axmed Madoobe iyo maamulka uu hoggaamiyo keli ku noqdeen muranka ay la tageen Brussels, ayaa ujeedka Axmed Madoobe uu ahay inuu muujiyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Farmaajo oo kaliya.