Kulan ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland oo uu guddoomiyey Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa laga soo saaray qodob ku saabsan xayiraadii la saaray Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.
Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland kadib ayaa goor dhoweyd la shaaciyey in xayiraadii lagaga qaaday Golaha Xukuumada Federaalka ah oo hore looga mamnuucay inay tagaan magaalada Kismaayo intii ay socotay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee khilaafku hareeyay, iyadoo markaas la sheegay in la hakiyey wada shaqayntii ka dhaxaysay labada dhinac.
Tallaabadan ayaa ahayd mid ay hore u qaaday Puntland intii ay socotay doorashada maamulkaasi bishii Janaayo 2019, iyadoo Axmed Madoobe uu dhaqan geliyey.
Dowladda Somalia ayaa shaacisay inaysan aqoonsaneyn natiijadii kasoo baxday Doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee dib loogu doortay Axmed Madoobe 22-kii Ogost, iyadoo sidoo kale ay xubno kale sheegteen inay yihiin madaxweynayaal la doortay sida C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar.