Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xalay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray Muqdisho.
Kulanka oo ahaa mid salaan sharafeed ah, waxaana Axmed Madoobe uu kulankii koowaad la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kadibna la kulmay madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay Xasan Sheekh sida uu u aqbalay in laga guuleystay tanaasulayna wareeggii labaad, wuxuuna madaxweynaha cusub uu hambalyeeyay xilka loo doortay, isagoo tallooyin ka siiyay xaaladda dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay madaxweynaha maamulka Jubba uu ahaa mid talowadaag iyo wadatashi ah oo ay ka wadahadleen xaaladda dalka.
DAAWO SAWIRRO