Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo jeediyay talo ku socota madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada kale ee AMISOM ilaaliso, isagoo u sheegay si ay u arkaan xaalada ammaanka dalka inay ka tagaan ilaalada ciidamada Ajnabiga ah oo ay ciidamo Soomaaliyeed ilaalo ka dhigtaan.
“Waxaan soo jeedin lahaa in ciidamada Soomaalida aanu ilaalo ka dhigano madaxdeena, Villa Somalia hala wareegeen ciidamada Soomaalida, madaxdu ha aragto xaalada ammaanka dalka” ayuu yiri Axmed Madoobe
Axmed Madoobe oo ka hadlayay qaraxyadii toddobaadkan ka dhacay Muqdisho iyo Baydhaba markii uu magaalada Kismaayo ku laabtay, wuxuu si cad u sheegay in maamulada dalka ka jira looga baahan yahay inay isku tashadaan isla markaana ammaankooda sugtaan oo aanay isku haleyn AMISOM, isagoo xaalada dalka ku tilmaamay mid sii xumaaneysa.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO
Wadani.com