Madaxweynaha Jubbaland ee maanta lagu caleemo saaray magaalada Kismaayo Axmed Maxmed Islaam ayaa ku baaqay wadahadal iyo heshiis dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo farriin gaara u diray Madaxweynaha Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey xafladii lagu cleemo saaray oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare iyo xubno ka tirsan labada Gole, ayna ka dhex muuqdeen wafdi ka socday dowladda Kenya ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal dhex mara dowladda Federaalka.
“Waxaan leenahaay madaxda Soomaalida waanu idin jecel nahay, waan idin ixtiraameyna.., mas’uuliyadiina ayaan idinku dhowreynaa.. laakiin garta wadankan waxa uu soo maray taariikhdiisa waxay ahayd ama dadka weydiiya waxa ka imaan kara ciribtiisa..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay inuu Berri kusoo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo kusoo dhoweynayo Kismaayo.
Dowladda Federaalka ayuu sheegay in iyada laga rabo tanaasulka iyo wadatashi inay la timaado, laakiin ay dowladnimo lagu wadi karin rabitaan shaqsiyadeed, isagoo sheegay in khalad kasta oo dhaca ay tahay inay saxdo dowladda federaalka.