Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay xilal sare oo ka mida hay’adaha garsoorka maamulkaasi.
Axmed Madoobe ayaa wareegto ku soo kala saaray magacaabidda Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Jubbaland Sheekh Cabdishakuur Ibraahim Cabdi iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sh Cusmaan Siciid.
Waa markii ugu horeysay ee maamulka Axmed Madoobe uu magacaabo hay’adaha garsoor ee heer dowlad goboleed, iyadoo aanay hore u jirin, waxaana loogu baahday si dacwado loogu qaado xubno mucaardnimo ku bilaabay maamulkaasi.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTOOYINKA