Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Farsamada Shirka Dhuusamareeb III ee ka shaqeynaya nooc Doorasho oo la isku raacsan yahay.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabay xubnaha u metali doona Guddiga farsamada oo kala ah: Xirsi Jaamac Gaanni ooah Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamsa Cabdi Barre oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Magacaaidda Gudidgan ayaa qeyb ka ahaa go’aanadii kasoo Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee magaaladda Dhuusamareeb ee Dowladda Galmudug ka dhacay 22 Luulyo, 2020, iyadoo Guddiga farsamo ee ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ka shaqeyn doonaan hannaanka Doorashooyinka Dalka.