Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii saddexaad isu soo taagay xilka maamulkaasi oo uu hoggaaminayey intii uu jiray.
Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa guddoonsiiyey Shahaadda musharaxnimada doorashada lagu wado inay Kismaayo ka dhacdo bisha soo socota, waxaana uu noqday muiharixii ugu horeeyay ee shahaadadaasi la siiyo, isagoo buuxiyey shuruudaha doorashada oo guddiga uu isagu magacaabay ay dijiyeen.
Axmed Madoobe oo saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta Gudigga Doorashooyinka ayaa sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha, wuxuuna ku baaqay in musharaxiinta kale ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya.
Wuxuu difaacay inuu isaga magacaabay Guddiga Doorashada, isagoo sheegay inuu awood dastuuri ah u leeyahay magacaabista Guddiga Doorashooyinka, laakiin isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hogaansamo.





