Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhoweeyay wafdiyo ka socda wasiirda arrimaha gudaha maamulada dalka iyo dowladda Federaalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka Hanaanka baahinta Federaalka u furan yahay oo aanay marti ku ahayn Kismaayo, wuxuuna u sheegay wufuudda ka kala socotay maamulada dalka iyo Gobolka Banaadir inaysan dareemin martinimo.
Qado sharaf ka dhacday Guriga Martida oo Axmed Madoobe ku casuumay wasiiradii ka socday Dowlad Gobboleedyada ayaa soo dhoweeyay in Soomaali ay tashato oo magaalooyin badan lagu shiro, isla markaana laga maarmo in la dhexdhexaadiyo.
DAAWO VIDEO