Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa Muqdisho si degdeg ku tegay shalay gelinkii danbe kadib markii uu ka soo duulay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa, isagoo socdaalkiisu salka ku hayo la kulanka wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka oo Muqdisho booqanaya maanta.
[ad name=”HTML-1″]
Wafdiga Axmed Madoobe ayaa soo dhoweyn heer hoose ah loogu sameeyay garoonka Muqdisho iyadoo uu halkaasi uga hortegay xubno uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Xiddig. Axmed Madoobe ayaa kasoo duulay Kismaayo xilli uu ku wajahnaa madaxweyne ku xigeenka Puntland, sidoo kale waxay arrintani ku soo beegantay iyadoo xaflada caleemo saarka baarlamaanka Jubba ay ku beegneyd maanta.
Xafladii lagu caleemo saari lahaa baarlamaanka Jubba ayaa laga yaabaa in dib loogu dhigo isla arrintan, waxaana muuqata iyo madaxda maamulada hadda jira sida Puntland, Jubba iyo K/Galbeed ay isu bedeleen madaxweynayaal tartan kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ama la siman.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]