Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa War kasoo saaray Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, isagoo hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee maanta la dhaariyey.
Axmed Madoobe ayaa xildhibaannada cusub ee u rajeeyay inuu xilka iyo masuuliyadda culus ee ay saarteen dadka ree Jubbaland u gutaan si daacad ah, ayna ogaadaan inay sidaan amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan, sida uu yiri.
“Dhammaan Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagaan Hay”adahooda Dowliga ah oo markii labaad dib loo dhisay, waxana wadadda u xaareysaa qeybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ugu baaqay dadweynaha maamulkaasi inay adkeeyaan amniga iyo Midnimada oo ay wadajir uga gudbaan maalmaha doorashooyinka.