Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa soo saaray amar ku socda wasiirada iyo xubnaha maamulkiisa oo ku saabsan xiriirka Maamulkiisu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa faray dhammaan hay’adaha iyo wasiirada maamulkiisa inay hakiyaan wadashaqenyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana arrintan saxaafadda u sheegay Wasiiru dowlaha Madaxtooda Axmed Xasan.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay go’aanadii kasoo baxay shirkii madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo oo ay ku shaaciyeen inay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya.
Axmed Madooba ayaa la sheegay inuu yahay mas’uulka ugu darran ee sida weyn ay isugu dhacsan yihiin madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.