Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa si kulul u weerarray siyaasadda Villa Somalia ee doorashada 2020 iyo dhaqanka siyasadeed ee ay doonayaan inay dalka ku hoggaamiyaan.
Wuxuu sheegay inaan cidna xoog wax looga qaadi karin, haddii la wada tashan waayo oo la diido in sharciga iyo dastuurka lagu dhaqmana cida waliba la marinayo marinkeeda, wuxuuna meesha ka saaray in qorshe ay wadato Villa Somalia oo u gaara aanu ka fuleynin degaanada Jubbaland.
“Wadankaan ma boogihiis ma bogsan… isku wad ayuu u baahan yahay. Sharciga in la dhowro ayuu u baahan yahay.. Sharci ayaa lagu ilaalin karaa ee laguma wada joogi karo ANAA IRI… qaacidadii aan shalay shabaab ku diiday kama aqbalayo Villa Somalia laga soo yeeriyo.. Haddii sharcigii diidaan qof waliba iridkiisa ayuu marayaa…” ayuu si kulul u yiri Axmed Madoobe.
Isagoo ka hadlayey munaasbadii Ciidul Fitriga ayuu sheegay in amniga magaalada Kismaayo aanu gorgortan ka galeynin, wuxuuna sheegay in Amnigu yahay taariikh uu doonayo inuu uga tago Jubbaland oo ah dad nabad ku wada nool, sida uu yiri.
HOOS KA DAAWO