Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe ayaa arrin aan la fileyn la yimid shirkii ay Caawa la yeesheen xubnaha Midowga Musharixiinta.
Labadan Madaxweyne oo laga sugayey inay go’aan cad ka qaataan Muddo kororsiga Maxamed Farmaajo ayaa la sheegay markii shirku furmay inay sheegeen codsi ay ka sideen Farmaajo oo ah inuu kulan la yeesho Musharixiinta, isla markaana uu diyaar u yahay Doorasho.
Shirka ayaa la sheegay in dood kulul ka dhacday oo Qoorqoor iyo Guudlaawe halkaasi ka difaaceen Farmaajo iyadoo sheegaya in wadahadal lala furo si xal loo gaaro, iyaguna mowqifkooda ka danbeeyo wadahadalka kadib.
Qaar ka mid musharixiinta shirka ka qeyb galay ayaa si ka carooday hab-dhaqanka Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe iyo sida ay u marin habaabinayaan Musharixiinta oo aysan go’aan uga qaadan karin Farmaajo iyo muddo kororsiga sharci darrada ah.
Midowga Musharixiinta ayaa ku gacan seyray codsiga Farmaajo ee ah inuu la kulmo, waxayna qaarkood ku xireen shuruud ah inuu marka hore ka laabto muddo kororsiga, kuna laabto Wadahadalkii.
Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa hadda u muuqda inay awaoodi waayeen inay si cad uga hor yimaadaa muddo kororsiga Maxamed Farmaajo, sidii ay hore ugu sheegeen Musharixiinta.
Wadahadalka ayaa soo xirmay iyadoo aan natiijo laga gaarin, iyadoo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ay mar kale dib ugu laabanayaan Maxamed Fafmaajo, si ay talo ugu celiyaan.