Haweeney 107 sano jir ah oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa ku guuleysatay inay ka bogsooto cudurka Coronavirus, waxaana loo dabaaldegay markii isbitaalka laga saaray oo loo diray Gurigeeda.
Ayeeyadan oo lagu magacaabo Havahan Karadeniz ayaa isbitaalka la dhigay toddobaadkii hore, markii lagu arkay calaamadaha cudurka Coronavirus, sida qufac iyo qandho, waxaana markii la baaray laga helay cudurka, iyadoo isbitaalka Istanbul Education and Research Hospital.
Haweeneydan oo ka mida dadka ugu d’da weyn ee cudurka Covid-19 ka bogsooda ayey sii sagootiyeen dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka oo u sacab tumaya, waxaana lagu amray inay gurigeeda isku karaantiisho in muddo ah oo ay nasiino ku qaadato.
Wiil ay ayeeyo u tahay Melig Cirag ayaa sheegay in Karadeniz in da’da u qoran ay tahya 98 sano jir, balse ay da’deeda xaqiiqada ah tahay 107 sano, wuxuuna u mahad celiyey dhaqatiirta iyo shaqaalah caafimaadka
Dalka Turkiga dadka qaba cudurka Coronavirus ayaa gaaray 61, 049, iyadoo ay u dhinteen 1,296 qof. Dunida oo dhan waxa cudurka qaba in ka badan 1,900,000 qof.
