Qoys Reer Guuraa ah oo deganaa inta u dhexeysa Degaanada Golweyn iyo Shalaanbood, degaanka lagu magacaabo Dudumo ayaa xalay lagula kacay fal naxariis darran kadin markii la laayay oo nolosha lagu gubay.
Falka oo la sheegay inuu dhacay xalay Fiidkii hore ayaa lagu dilay ilaa 7 ruux oo hal qoys kasoo wada jeeda, waxaana arintan ay salka ku heysaa colaad qabyaaladeed oo beelaha Biyamaal iyo H/Gidir u dhaxeysa in muddo ahna ka taagneyd gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka la dilay ee nolosha la gubay magacyadoodu waxay kala yihiin:
1)Khadiija Maxamed Soomow oo 70-sano jir
2) Farxiya C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
3) Naciima C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
4) Axmed C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
5) Muzamil C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
6) Mulki C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
7) Nuur Cabdi Cusmaan Danoow.
Dadka la dilay waxaa ak mida Lix carruur ah oo kan ugu yar uu ahaa lix bilood jir, midka ugu weyn uu ahaa 13 sano jir iyo ayeeyadood oo ku bas beelay Aqalkii ay ku noolaayeen.
Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage ayaa Xaqiijiyay dilka naxdinta leh ee qoyskaasi lagula kacay, isagoo ka gaabsaday cidda dishay.
Wadani.com