Iyadoo ay xowli ku socoto ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee aan la ogeyn xilliga la qabanayo ayaa waxaa sii kordhaya musharixiinta sameysanaya iidhehda madaxweynaha.
Caasimadda Muqdisho waxaa hareeyay Boorarka waaweyn ee ay ku sawiran yihiin musharixiinta madaxweynaha, waxayna xaaladu gaartay inay buuxameen dhammaan Baalayaashii iidhehyda iyo kuwii caadiga ahaa oo laga waayay qaar bannaan oo musharixiinta ay surtaan sawiradooda.
Baalayaasha waaweyn ee shirkadaha xayeysiinta oo Bilihii Oktoobar iyo Novembar lagu kireynayay $1000 bishii ayaa iminka gaaray lacag ka badan $2000, waxaana gebi ahaan la waayay baallooyin bannaan.
Baalooyinka shirkadaha Koronta iyo kuwa nalalka ku shaqeeya cadceeda ee dowladda hoose ayaa iyaguna waxa buuxsamay, waxaana haddu xaaladu mareysaa in Daaraha waaweyn ee caasimadda gaar ahaan wadadda Maka Almukarama lagu dhejiyo sawirrada musharixiinta madaxweynaha.
Wadani.com