Booliska magaalada Garowe ayaa baaritaan ku bilaabay kiiska haweeney dhaqtarad Itoobiyaan ah oo xalay iska tuurtay Daar Dabaq ah oo ku taalla magaalada Garowe.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Dr. Nadia Omar ayaa ahayd dhakhtarad u dhalatay dalka Ethiopia, gaar ahaan degaanka Amxaarada, waxaana la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray falka ay ku kacday ee ah inay Dabaqa iska tuurto.
Haweeneydan Dhaqtarrada ah ayaa ka howlgeli jirtay magaalada Garowe, waxaana la sheegay inay u dhaxday Dhaqtar Suuriyaan ah oo isna ka howlgala magaalada Garowe, waxaana dhaawaca soo gaaray lagula tacaalayaa isbitaalka Qaran ee Garowe.
Dr. Nadia ayaa la sheegay inay ku takhasustay xanuunada Haweenka, waxayna ahayd dhakhtarad muslim ah, iyadoo bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Isbitaalka Qaran oo ay ka ahayd dhakhtar.
Waxaa aad loola yaabay sababta ku dhalisay dhaqtarrada inay falkan ku kacdo, waxaana hadda arrinta gacanta ku haya Booliska magaalada Garowe.
