Baaritaan xoog leh oo lagu sugayo ammaanka garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport ayaa lagu soo kordhiyay wixii ka danbeeyay 2-dii bishii February 2017, markii diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines qarax lala beegsaday.
Dadka ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde ayaa la marsiiyaa baaritaano xoog leh, iyadoo la adeegsado Eeyo ka qeyb qaata baaritaanada.
Baaritanka 1-aad
Wuxuu ka dhacaa wadada 1-aad ee laga soo galo Garoonka, iyadoo agabyada ay wataana inta laga qaadayo, waxaana uriya Eeyda la tababaray.
Baaritaanka 2aad
Agabyada dadku watan ayaa la marsiiyaa Qalabka loogu tallogalay in lagu xoojiyo ammaanka. Boorsooyinka rakaabka waxaa markale lagu fatashaa albaabka hore ee diyaaradda.
Baarayaasha
Baaritaanadan waxaa sameeya Saraakiisha Nabad Suggida, ciidamada Booliska, Laanta Socdaalka, Saraakiisha Maamulka FAVORI iyo AMISOM.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com