[button link=”” icon=”Select a Icon” side=”left” target=”” color=”b70900″ textcolor=”ffffff”]GOOR DHOW……………. FILO………. GOOR DHOW[/button]
Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ka sheegay inau baaritaano ku sameeyeen xafiisyada madaxda sare ee dalka Soomaaliya sida: Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha oo ka mida hay’adaha ugu waaweyn ee dalka oo ay ku baxdo in badan oo ka mida miisaaniyadda dalka.
[ad name=”HTML-3″]
Wuxuu intaas raaciyay inay baaritaan guud ku sameeyeen Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, baaritaankooduna yahay mid madax banaan. “Baarista cid ka madax bannaan ma jirto, waxaan baarnay Xafiiska Madaxweynaha, kan Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka, sanadkan 2015 isla xisaabtan dhab ayaa dhacaya, cidii lagu helo musuq maasuq iyo xisaab is daba marin sharciga ayaa la horkeenayaa, waana la maxkamadeynayaa”ayuu yiri hantidhowrka.
Dhageyso wareysiga Hanti dhowrka Guud
Dr. Nuur Faarax oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii xisaabtanka, “Sanadkan waa sanadkii isla xisaabtanka, cidii lagu helo musuq maasuq waa la qabanayaa, waa la xirayaa, hay’adaha amniga ayaa loogu yeerayaa, Maxkamad ayaana la soo taagayaa”ayuu yiri ku goodiyay Hanti dhowrka Guud.
[ad name=”HTML-4″]
Haddaba Goobjooge.com waxay dib u raadraaceysaa baaritaanadii lagu sameeyay xafiisyada madaxda sare ee dowladda sida:
1. Madaxtooyada
2. Baarlamaanka
3. Xafiiska Ra’iisal wasaaraha
Iyadoo farta ku fiiqi doonta, soona koobeysa waxyaabihii ugu waaweynee ee lagu helay baaritaanada uu sameeyay Hanti dhowrka Guud inagoo tilmaami doonna inta muhiimka ah ee in la sheego ay haboon tahay xilligani.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]