Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Baaritaankii ugu weynaa oo lagu kashifay Hanti ay Dibadda dhigteen Madax caan ah (Uhuru oo ka mida..)

    Baaritaankii ugu weynaa oo lagu kashifay Hanti ay Dibadda dhigteen Madax caan ah (Uhuru oo ka mida..)

    October 3, 2021Updated:October 4, 20213 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa lasoo bandhigay baaritaankii ugu weynaa ee kumanaan Dokumentiyo si ahaa lagu helay, kaasoo bannaanka soo dhigay, sida madax hore iyo kuwa hadda dunida ka taliyaha lacago malaayiin Doolar ah si qarsoodi ah dunida u dhigteen, kuna iibsadeen shirkado iyo hanti kala duwan.

    Waxaana dokumentiyada ‘Pandora Papers’ ee la shaaciyey lagu soo bandhigay in ka badan 35 madaxweyne oo hadda adduunka ka taliya, iyo mas’uuliyiin hore, kuwaasoo lala xiriiriyay in heshiis uu dhexmaray shirkado shisheeye.

    Waxay dokumentiyada shaaca ka qaadeen in boqorka Urdun Boqor Cabdalla uu si qarsoodi ah ugu keydsaday dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska lacag dhan 70 Milyan oo lacagta Giniga dalkiisa ah.

    Boqor Cabdalla waxa la kashifay inuu qaabka qarsoodiga ah ee uu hantida ugu keydsaday dalka UK, isgoo dhigtay lacag ka badan 100 milyan oo doolar. Waxaa la ogaaday shirkado shisheeye oo ku yaalla British Virgin Islands iyo meelo kale in loolla baxsado canshuurta, taasoo uu adeegsaday boqorka Cabdullaahi II bin Al-Xuseen, si uu iibsado 15 guri, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 1989.

    Waxaana kamid ah hantidaas guryo ku yaalla deegaanka Malibu ee gobolka California, dalka Mareykanka oo ay ku baxday 50 Malyan oo lacagta giniga ah iyo guryo kale uu ka iibsaday London iyo deegaanka Ascot ee dalka UK.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo lix qof oo kamid ah qoyskiisa ayaa la ogaaday inay si qarsoodi ah u hirgeliyeen shirkado shisheeye oo iyagu leeyihiin, kuwaasoo gaaraya 11 shirkadood, oo mid kamida shirkadahan ayaa lagu qiyaasay inay ku fadhido hanti gaareyso 30 milyan oo doolar.

    Sidoo kale xubno ka tirsan qoyska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo Golaha wasiirada ayaa la sheegay inay leeyihiin shirkado qarsoodi ah oo ku fadhiyo malaayiin Dollar.

    Waxaa kaloo lasoo bandhigay shirkad dhinaca sharciga ah oo uu aasaasay madaxweynaha Qubrus, Nicos Anastasiades lagu helay lahaansho marin habaabin ah, oo la xiriirta shirkado laga hirgeliyay dibadda.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa la ogaaday in hantidiisa uu si qarsoodi ah ugu wareejiyay shirkad shisheeye, ka hor inta uusan ku guuleysan doorashadii 2019.

    Madaxweynaha Ecuador, Guillermo Lasso, oo ahaan jiray maamule hore oo dhanka Bankiyada ah, ayaa isna diiwaan gashaday hay’dad fadhigeedu yahay Panama, taasoo loo mariyo lacagaha la siinayo xubno ka tirsan qoyskiisa, iyadoo dadka maamulaya howlahaas ay joogaan Mareykanka ee gobolka Koonfurta Dakota.

    Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev iyo qoyskiisa ayaa lagu sheegay inay hanti badan ka qaateen dalkooda. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in madaxweynaha Azerbaijan iyogacan-yareyaashiisa ay si qarsoodi ah ugu lug lahaayeen heshiisyo ganacsi oo laga fuliyay UK, kaasoo ay ku baxday 400 Milyan oo lacagta Giniga Istarliinka ah.

    Jordan King Abdalla Pandora Papers Top Uhuru Kenyatta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAbiy Ahmed oo markii labaad xilka loo caleemo-Saarayo (Madax Afrikaan ah iyo Farmaajo oo…)
    Next Article Sidee Maxamed Farmaajo loogu soo dhoweeyay Magaalada Addis Ababa? (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo