Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdaan ololeyaal iska horjeeda oo ku saabsan Doorashada maamulkaasi oo laba garab u kala qeybsan.
Guddiga Doorashada ee musharixiinta mucaaradka ayaa lagu wadaa inay dhaariyaan xildhibaanno gaaraya 75 oo ay shalay magacyadooda shaaciyeen, waxayna wadaan dadaalkii ugu danbeeyay ee ay ku doonayaan in lagu dhaariyo Baarlamaankooda oo barbar socda Baarlamaankii shalay lagu dhaariyey magaalada Kismaayo ee Guddiga Doorashada Axmed Madoobe soo xulay.
Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo ka socda ololaha doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ee Guddiga Doorashada Axmed Madoobe, iyadoo lagu wado in xilkaasi uu dib ugu soo laabto guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan.
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa ah mid degan balse siyaasad ahaan kacsan, waxaana lagu wadaa inay halkaasi tagaan wafdiyo ka socdo beesha caalamka.