Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Baarlamaanada Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed & Jubaland oo diiday Shirkii Arrimaha Dastuurka

    Baarlamaanada Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed & Jubaland oo diiday Shirkii Arrimaha Dastuurka

    December 4, 2023Updated:December 5, 20234 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baarlamanada Afar ka mida Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa diiday casuumad uga timid Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya.

    Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug, Hirshabelele, K/Galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in shir ay yeesheen madaxda Golayaasha Xeer-dejinta Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 3-4 Decembar 2023 ay soo saareen go’aan ay ku diideen casuumaaddii Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku eedeeyay inay uga baxay heshiiyo iyo ballamo ay horey u wada galeen.

    Kulanka oo la sheegay inuu ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle Abdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koofur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Maxamed Nur Gacal iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan (oo khadka ku jiray).

    Waxay qoraalkooda ku sheegeen in la fulin waayey heshiisyadii ay horey ula galeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kal ahaa: Heshiiskii is afgaradka ee lagu saxiixay Muqdisho Agoosto, 2017, Dib u eegisna lagu sameeyay Shirkii Baydhabo December 2018, Garowe Abriil 2019, iyo Shirkii Muqdisho 18 Novembar 2022.

    Guddoomiyeyaasha Afarta Baarlamaan ayaa ku doodaya arrimaha soo socda;

    1. In aysan waxba ka fulin balamadii iyo heshiisyadii horey loo galay oo ay ugu horeysay in laga wada shaqeeyo danta guud, gaar ahaan arimaha la xiriira Dastuurada iyo Shuruucda Federaaalka iyo kuwa DXDFS.

    2. In aysan waxba ka fulin iswaafajintii Dastuurka JFS iyo Dastuurada Dawladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Shuruucda kale ee ay soo saaraan Golayaasha DXDFS.

    3. In aanan qayb ka ahayn Guddiyada loo xilsaaray wax ka beddalka iyo dib u eegista Dastuurka JFS, iyada oo uu xusaayay heshiiska Golaha Afhayeenada ee 10 kii Abril 2019 in ay xubno ka noqdaan Golayaasha Wakiilada wax ka baddelka Dastuurka JFS. Balse laga reebay Baarlamaanka 11aad, iyaga oo xubno kulahaa Baarlamaankii 10aad.

    4. In aysan jirin Guddiyo ka wada shaqeeya shuruucda ay ansixiyaan labada Gole ee Baarlamaanka JFS wax talo wadaag ahna aysan ku lahayn Guddiyada Golayaasha Wakiillada DXDFS.

    5. Sida ku cad heshiisyadii horey loo gaaray oo ay ka mid ahayd in hay’adaha caalamiga ah ee taageera Baarlamaannada si wada jir ah looga codsado taageero loona dhamaado ka faa’iideysiga mashaariicda Hormarineed ee Baarlamaanada, ayna lagaar noqdeen Guddoonka labada Gole ee Baarlamanka JFS.

    6. Hoggaaminta Soo yaalkii wadashaqeynta Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta 00 uu soo bilaabay Golaha shacabku bishii Febraayo 2016 ayey caqabad ku noqotey is qabqabsiga iyo jahawareerka ka dhexjira Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka JFS, taas oo sababtey in ay ku wareeraan Guddoonada Golayaaasha Wakiilada DXDFS, Golihii hoggaamin lahaa Golaha Afhayeenada.

    7. Golayaasha Xeer-dejinta oo isku xuquuq iyo waajibaad ah, ayuu soo saaray Baarlamaanka 11aad sharci u diidaya Xuquuqdii Baasaboorka Diblomaasiga ah Xildhibaanada Goleyaasha Wakiillada DXDFS, 20 kii maarso 2023, iyada oo aysan jirin sabab cad oo loogu diiday Xaqaas ay lahaayeen Xildhibaanadu, kana sii darantahay in ay labada Gole ansixiyeen markii ugu horeysay in Baasaboorka Diblamaasiga la siiyo Xaasaskooda, caruurtooda iyo Xildhibaanadii hore ee banneeyay Xilka, taas oo khilaafsan sharcigii Arrimaha dibadda ee soo baxay 2014 kii.

    8. Sida ku xusan heshiiskii Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta Soomaaliya qodobkiisa 4aad faqradiisa 6aad ee Garowe Abriil 2019 iyo soo jeedintii shirkii Muqdisho November 2022 ee ay ku caddeed in Miisaaniyadda labada Gole ee Baarlaamaanka JFS laga siiyo kab-miisaaniyadeed Golayaasha Wakiillada DXDFS lana soo bilaabay fulinteeda 2019, hakadna gashay xilligii karoonaha iyo Doorashadii Federaalka Soomaaliya dibna loogu balamay in lagu daro Miisaaniyaddii 2023, balse nasiib darro noqotey in ay si wada jir ah u diideen labada Gole ee JFS iyo Guddoonkooda.

    Hadaba innaga oo tixraaceyna warqadda sumadeedu ahayd XG/108/B- 11/23, kuna taarikheysneyd 28 Novembar 2023, ujeedkeeduna ahaa Casuumaad kulanka Guddoomiyeyaasha labada heer ee BJS iyo BDXDFS, waxaan si wada jir ah u go’aansanay;

    1. In aanan ka qayb-galin shirka nalagu casuumay inta ay ka caddaanayso cidda leh hoggaaminta Golaha Afhayeenada Goleyaasha Xeer-dejinta Soomaaliya iyo inta wax laga qabanayo hawlihii horey loogu heshiiyay, waxna laga baddelayo sharciga Socdaalka Soomaaliya.

    2. Mas’uuliyadda kala duwanaashaha iyo iska hor-imaadka Dastuurka KMG JFS iyo Dastuurada DXDFS iyo shuruucda kale ee ay soo saaran Goleyaasha Xeer-dejintu waxaa Mas’uuliyadeeda qaadaya Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

    Waxaa ku saxiixnaa afart mas’uul ee sare u qoran.

    Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin laga helay Duqeyn ka dhacday Magaalada Jilib iyo Dad ku dhaawacmay
    Next Article Dood ka dhalatay Xisaab-xirkii Dowladda ee 2022 iyo Xildhibaanno isu jawaabay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo