Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump safarkiisi ugu horeeyay oo lama filaan ahaa ugu tegay ciidamada dalkiisa ee ku sugan dalka Ciraaq.
Waxaa socdaalkiisa ku wehliyey marwada koowaad ee Mareykanka, waxaana la shaaciyey kadib markii uu dhammaaday safarkaasi oo qaatay wax ku dhow 2 saacadood, iyadoo aanu wax kulan ah la yeelan madaxda dalka Ciraaq ee uu dalkooda tegay.
Socdaalka Donald Trump ayaa lagu soo beegay Ciidda Kirismas-ka” ee Gaalada, wuxuuna kulamo la qaatay saraakiisha iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq, isagoo beeniyay inuu qorsheynayo in ciidamada uu ka saaro Ciraaq.
Waxaa ku wehliyey socdaalkiisa xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton, waxayna booqdeen saldhigga cirka ee Al-Asad ee ku yaalla Galbeedka magaalada Baqdaad.
Madaxweyne Trump ayaa culeys weyn ku heystaa Aqalka Cad, kadib markii ay qeyb ahaan xirantay kharashka dowladda Mareykanka, taasoo ay ugu wacan tahay xisbiga dimoqraadiga oo diidan lacag gaareysa 5 Bilyan oo doolar oo Trump u doonayo inuu ku dhiso Derbi kala qeybiya dalalka Mareykanka iyo Mexico.
Waxaa kaloo xaalad cusub abuuray markii uu is-casilay wasiirkii Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis, kadib markii madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo Suuriya iyo Afghanistan.
Ma jirin wax kulan ah oo dhex oo dhex maray Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska, taasoo la isku afgaran waayey sida shirka loo qabanayo iyo goobta uu ka dhacayo.
Dhinaca kale xildhibaanada Baarlamaanka Ciraaq ayaa cambaareeyay booqashada Trump ku tegay Ciraaq, iyagoo sheegay inay meel ka dhac ku tahay qaranimada dalkaasi, waxaana guddoomiyaha Kutlada Islaax ee Baarlamaanka Ciraaq Sabaax AlSacad uu ku baaqay inuu Baarlamaanka Ciraaq yeesho kulan degdeg ah oo looga hadlo xadgudubka Madaxweynaha Mareykanka ku sameeyay qaranimada Ciraaq, wuxuuna intaas ku daray inuu dhammaaday heysashadii uu Mareykanku qabsaday dalka Ciraaq.
Mooshin ka dhan ah socdaalkii Madaxweyne Trump oo lagu eedeeyay inuu xadgudub ku sameeyay qaranimada dalka Ciraaq ayaa la hor geeyay Baarlamaanka Ciraaq oo la filayo inuu ka doodo.
