Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa durba Mooshin u geeyay guddoonka KMG ah ee Baarlamaankaasi.
Mooshinkan ayaa ujeedkiisu yahay in 5 xildhibaan oo la laalay laga qaado xayiraadda loona ogolaado inay ka mid noqdaan baarlmaaanka, waxaana saxiixay 67 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka.
Xildhibaanada mooshinka wadaa u badna qaar ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxayna ku doodayaan inay xildhibaanada 5-ta ah ee laga reebay baarlamaanka ay dhibaato badan soo mareen, loona baahan yahay in la fasaxo.
Beesha Caalamka oo olole weyn ugu jirtay 24 xildhibaan oo dacwado laga keenay la laalo, isla markaana ka hor timid go’aankii madasha ee lagu cafiyay 7 ka midaa 11-kii xildhibaan ee hore loo laalay ayaa haddana mooshinkan ku yahay naxdin kale iyo dib u dhac.
Lama oga in Baarlamaanka cusub meel mari doono mooshinkan oo caddeyn u ah in xildhibaanadii hore ee baarlamaanka kuna soo laabtay baarlamaanka cusub ay awood ku leeyihiin.
DHAGEYSO MOOSHINKA
Wadani.com