Golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan caadi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa.
Kulanka waxaa soo xaadiray yimi 151 xildhibaan, waxaana sharciga dhismaha Guddiga La-dagaalanka Musuqa ansixiyey 149 mudane, waxaana ka aamusay Hal xildhibaan, iyadoo uu diiday xildhibaan kale. waxaana inuu sharciga ansax yahay ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka hor hadlay Golaha inta aan sharcigan la ansixin, waxaan xeerkan uusoo maray Aqalka Sare oo sixitaan ku sameeyay sida habka qoraalka xeerka.
Xeerkan dhismaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa ah xeer hore u meel-maray oo ay goluhu dib u eegis ku samaynayeen, waxaana xukuumadda hadda jirtay ay dib u soo celisay sharci badan oo hore loo ansixiyey kuwaasoo xildhibaannada qaar ku tilmaameen in lagu mashquulinayo Baarlamaanka.