Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta Berri ee Arbacadda kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo xogheynta Baarlamaanka ay ku wargelisay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa farrimaha loo diray lagu sheegay in Ajendaha kulanka uu noqon doono Akhaqrinta koowaad ee wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka (Procurement) oo hore xildhibaanada ay u ansixiyeen, balse xukuumaddan ay dib u soo celisay.
Xildhibaannada qaarkood ayaa la sheegay inay wadaan mooshin ay doonayaan in Baarlamaanku ka doodo tallaabooyinka ay Kenya kula dhaqmeyso Dowladda Somalia iyo sidii jawaab looga bixin lahaa, iyadoo aan la ogeyn in guddoonku aqbali doonin arrintan iyo inkale.